882 Views

Laamaha Ammaanka Jowhar oo Gacanta ku dhigay Aabe Wiilkiisa dilay

Laamaha Ammaanka Jowhar oo Gacanta ku dhigay Aabe Wiilkiisa dilay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-30-2020–Ciidamada booliska Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, ayaa la sheegay inay ku guuleysteen in ay gacanta ku Soo dhigaan Maanta oo taariikhdu tahay 30/8/2020 Aabe la sheegay in xalay uu wiilkiisa ku dilay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Eedeysane Aabe Maxamed Dhayoow Aadan ayaa la sheegay in Xalay Abaare 09:30 PM fiidnimo uu Webiga Shabeelle ku riday Wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Xasan Maxamed Dhayoow , isla markaana uu baxsaday, hayeeshee maanta ay Ciidamada gacanta ku dhigeen.

Saraakiil ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegeen in Eedeysanaha uu hadda ku jira gacanta Ciidanka Boliiska Hirshabeelle, isla markaana uu wajihi doono wixii sharciga.

Aabe Maxamed Dhayoow Aadan ayaanan weli la cadeyn sababta ka dambeeysa in uu Wiilkiisa Wabiga ku rido, waxaana dhacdadaas aad uga naxay Bulshada kala duwan ee ku nool Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post