1068 Views

Wasiir Bayle oo shegay in beesha caalamka ay jaratay dhammaan lacagihii

Wasiir Bayle oo shegay  in beesha caalamka ay jaratay dhammaan lacagihii
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaalaha dalka, maadaama lagu jiro, xilli kala guur ah iyo marxalad doorasho.

Bayle ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay jaratay dhammaan lacagihii lagu kabi jiray miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa arrintan u sababeeyey, xilliga kala guurka ah ee haatan lagu jiro, wuxuuna tilmaamay in mar-walbo oo ay lix bilood ka harsan tahay doorashada la gooyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in wax iska caadi ah ay tahay arrintani, isla-markaana dhaqaalaha beesha caalamka, dib loo soo fasaxo markii la doorto dowlad cusub.

“Lix bil kahor doorashooyinka ayey jaraan kaalmada, waxaa lasoo celiyaa marka la doorto madaxweynaha waxa ay ku qiimeeyaan isbadalkiisa iyo sida uu howsha u wado marka ay taa ka qancaan ayey dib usoo celinayaan,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Sidoo kale Dhinaca kale wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in socdaan mashaariicda kala duwan ee ay beesha caalamka ka wado gudaha Soomaaloay, isla-markaana aysan saameyn dhaqaalaha la jaray ee lasiin jiray dowladda federaalka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post