1098 Views

Booliiska Gobolka Bari oo kantaroolka Boosaaso ku qabtay khamri fara badan laga kenay Itobiya

Booliiska Gobolka Bari oo  kantaroolka  Boosaaso ku qabtay khamri fara badan laga kenay Itobiya
____________________________________________________________________________

May 18 2021

Ciidamada Booliiska Gobolka Bari, ayaa saaka kantaroolka magaalada Boosaaso ku qabtay khamri fara badan, oo la doonayay in la geliyo gudaha magaalada.

War ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen khamrigan la doonayay, in si qarsoodiya lagu soo geliyo magaalada Boosaaso, islamarkaana ay wateen askari ka tirsan ciidamada.

Khamrigaan oo lagu soo guray Karaatiinta Saliida si aan loo moodin ,in ay ku jiraan dhalooyin khamri ah ayaa Hubin kadib waxa ay ciidamada ay ku guleesteen in ay gacanta ku dhigaan, waxaana soconaaya Baaritaano khamrigaas iyo cidii loowaday.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada waxkasta oo lidi ku ah amniga waxana uu sheegay in ay kula xisaabtami donaan cidwalba oo ay khuseeso in khamrigaan ay soo galiyaan magaalada Bosaaso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post