1194 Views

Mareykanka iyo UK oo muwaadiniintooda ka dalbaday si dhaqso leh uga baxaan Afghanistan

Mareykanka iyo UK oo  muwaadiniintooda ka dalbaday si dhaqso leh uga baxaan Afghanistan
____________________________________________________________________________


Sabti: August 7, 2021

Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa muwaadiniintooda ka codsaday in ay si dhaqso leh uga baxaan dalka Afghanistan, sababo la xiriira xaaladda amniga halkaas oo sii xumaaneysa.

Safaaradda Mareykanka ee Kabul ayaa sheegtay inay siin karto amaah dib u celin ah muwaadiniinta Mareykanka ah ee aan awoodin inay iibsadaan tigid ay dib uugu laabtaan dalkooda.Xalay xafiiska arimaha dibadda Britain ayaa ka digay in argagixisada ay u badan tahay inay weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Afghanistan.

Waxay sheegtay inay ku boorisay muwaadiniinteeda inay adeegsadaan duulimaadyada ganacsiga oo aysan ku tiirsanaan safaaradda Ingiriiska, si daadgureyn degdeg ah loogu sameeyo.

Digniintaan ayaa timid kadib markii Taalibaan ay sheegtay inay igacanta ku dhigeen magaalada waqooyiga dhacda ee Sheberghan.

BBC

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post