1581 Views

AKHRISO: Magacyadda Taliyeyaasha Cusub ee la Magacaabay

AKHRISO: Magacyadda Taliyeyaasha Cusub ee la Magacaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  30, 2019 –Waxaa maanta isbaddel lagu sameeyay qeybo ka mid ah hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka.

Abaanduulihii hore ee CXD General Odowaa Raage, ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta.

Sidoo kale Admiral  Cabaas Amiin Cali ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment