870 Views

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo kulan uga socdo Muqdisho

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo kulan uga socdo Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 17, 2020–Goordhow Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa uga furmay kulanka 3-aad kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa shir guddoominaya kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey,waxaana kulanka goobjoog ka ah 140 Xildhibaan.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee H/Sharciyeedka Nootaayooyinka,kaas oo Xildhibaannada Golaha Shacabka Isniintii la soo dhaafay la filayay inay marsiiyaan Akhrinta 2aad,balse kooram la’aan uu u baaqday kulanka.

Guddoomiyaha guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashoyinka Qaranka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka hor aqriyay warbixinta guddiga ee ku saabsan 4-ta xeer ee dhameystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay hadda ku jiraan kala-fadhiga 7aad ee ugu dambeeya muddo xileedka Baarlamaanka,waxaana horyaalla Shaqooyin dhowr ah.
Hoos Ka Akhriso Warbixinta Guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashoyinka Qaranka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post