1383 Views

34 qof Tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha dalka Jabuuti kadib markii ay qalibantay dooni ay saarnaayeen

34 qof Tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha dalka Jabuuti kadib markii ay qalibantay dooni ay saarnaayeen
____________________________________________________________________________

April 13-4-2021

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay xeebaha dalka Jabuuti kadib ay qalibantay dooni ay saarnaayeen, sida ay ku warrantay Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM.

Doontan ay lahaayeen koox dadka tahriibisa ayaa siday 60 qof oo muhaajirin ah kuwaas oo kasoo qaxay dagaallada Yemen, waxay ku wajahnaayeen dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay IOM.

Waxay ha’yadda intaas ku dartay in aanan la ogeyn waxa sababay in doonta ay shilka gasho.

Waxay sidoo kale walaac ka muujisay tobonaanka kun qof ee muhaajiriinta ah Afrikaanka ah ee galaya safar halis ah si u gaaran waddamada Khaliijka.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 20 qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti kadib kooxaha wax tahriibiya ay 80 qof ka dajiyeen doonyo ay saarnaayeen dadkaas xilli ay marayeen badda Jabuuti.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post