333 Views

War deg deg ah: Xarunta Bomas ee gudiga doorashooyinka Kenya oo la isku gacan qaaday iyo Ciidamo gudaha u soo galay

War deg deg ah: Xarunta Bomas ee gudiga doorashooyinka Kenya oo la isku gacan qaaday iyo Ciidamo gudaha u soo galay
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 13, 2022

Wararka ka imaanaya dalka Kenya gaar ahaan Xarunta  Guddiga doorashooyinka Kenya ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in halkaas goor dhawayd ay ka dhacday gacan ka hadal.

Qaar ka mid ah Gudiga ayaa isku gacan qaaday, waxaana lagu muransan yahay qofka Gudigaas ay ugu dhawaaqi doonaan Madaxweynaha Cusub ee Dalka Kenya uu yeelanayo 5 sano ee soo socota.

TV-yada ayaa Live ugu jiray xaruntaas Markii uu muranka ka bilaawday labada dhinac ee u kala tirinayo codadka labada dhinac,

Sidoo kale waxaa la arkayay Ciidamada Milatariga ee KDF ee Kenya  oo gudaha u soo galay Xarunta taasi oo shaki badan dhalisay, waxaana mid ka mid ah dadka ka carooday halkaas uu sheegay in Meesha ay ka jiryo Musuq.

Kala soco Bogan wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post