891 Views

Heritage oo soo bandhigtay Caqabada hortaagan dib u soo noolaynta ciidanka amaanka Soomaaliya

Heritage oo soo bandhigtay Caqabada hortaagan dib u soo noolaynta ciidanka amaanka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 18 2021–Machadka daraashaadka ee Heritage ayaa soo bandhigay caqabadaha hortaagan dib u soo noolaynta ciidanka amaanka Soomaaliya iyada oo ciidanku amaanka ay hada ka badan yihiin 40,000 oo askari sida ku cad daraasaadka.

Heritage ayaa sheegtay in Dawladda Soomaaliya si joogto ah ugu guuldarraysatay in ay arrimaha nabadgalyada kala shaqayso dawladaha xubnaha ka ah federaalka, taas oo qayb muhiim ah ka ahayd ballanqaaddadeedii ka soo baxay axdigii nabadgalada ee London 2017.

Daraasada ayaa lagu muujiyay sida ay maamulka Jubaland, si bareer ah u kala furfurtay DFS, iyada oo arrimo siyaasadeed oo caddaan ah u adeegsatay ciidamada qaranka Soomaaliyeed, halka ay ka taageeraysay in dowlad-goboleedka Hirshabeelle uu gaaro ujeeddooyin doorasho oo yoolkoodu gaaban tahay.

Diiwaangelinta faraha ciidamada iyo diiwaangalinta mushahar lagu bixiyo nidaamka moobillada, iyo waliba hirgelinta hannaan tartan oo ku salaysan heshiisyada qandaraasyada saadka, ayaa gacan ka gaystay wax ka qabashada arrimaha musuqmaasuqa iyo isla xisaabtanka sida lagu cadeeyay daraasada ay soo saartay Heritage.

Halkaan ka aqri Daraasada Heritage

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post