1314 Views

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Kormeeray Saldhigyo Ciidan Oo Ku Yaalla J/Hoose

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Kormeeray Saldhigyo Ciidan Oo Ku Yaalla J/Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 14, 2019 –  Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen: Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa maanta Kormeer ku tagay Taliska Guutada 11-aad qaybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ay ku leeyihiin deeganada jubaland gaar ahaana jubada hoose waxaana  ay ugu kuur gelayeen howsha taliska Guutada 11-aad qaybta 43-aad.

Taliyaha ciidanka xogga dalka Kormeerka waxa ku weheliyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerico) iyo lataliyaha Madaxweynaha Jubbaland ee arrimaha Ciidanka Sarreeya Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Saraakiisha iyo Ciidamada ayaa laga xog wareystay qorshayaasha horyaala iyo horumarada ay ka sameyeen howlgalada ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobalka Jubada hoose oo ay kula dagaalamayaan Alshabaab.

Ugu dambayntii taliyaha ciidamada xogga Gen: Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa u sheegay ciidamada in ay yihii geesiyaal laakiin looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan sidii loosii xoojin lahaa dagaalka ka dhanka Shabaab ee jubbaland ay ka waddo deegaanada Jubooyinka ee ay maamulaan Al-shabaab.

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment