795 Views

Maraykanka oo xayiraad dhanka visaha ah ku soo rogay saraakiil u dhalatay dalka Uganda oo lagu eedeeyay

Maraykanka oo  xayiraad dhanka visaha ah ku soo rogay saraakiil u dhalatay  dalka Uganda oo lagu eedeeyay
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Maraykanka ayaa xayiraad dhanka visaha ah ku soo rogay saraakiil u dhashay dalka Uganda oo uu ku eedeeyay inay wiiqeen dimuqraadiyadda waddankaas.

Go’aanka oo uu shaaciyay xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa daba socda xarig loo geystay boqolaal ka tirsan taageerayaasha mucaaradka Uganda.

“Waxaa jira cawaaqib ka dhasha faragelin kasta oo lagu sameeyo hannaanka dimuqraadiyadda,” ayuu ku qoray bartiisa Twitter.

Mucaaradka ayaa sheegay in dad ka badan 400 oo qof weli la la’ yahay kuwaas oo ay qabteen laamaha ammaanka ka hor doorashadii dhacday January.

Horraantii todobaadkan, khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dowladda Uganda inay joojiso cadaadiska ka dhanka ah mucaaradkeeda.

Xukuumadda Uganda ayaa Khamiistii qirtay inay xirtay dad ka badan kun qof oo ay u haysato falal la xiriira doorashadii dhacday.

Balse faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixinta sababta ay ilaa iyo hadda dadkaa u xiran yihiin iyo weliba goobaha lagu hayo.

Hay’daha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay laamaha ammaanka inay dil, afduub iyo tacaddiyo kale u geysteen xubnaha mucaaradka intii ay socotay doorashadii dhacday horraantii sanadkan.

Madaxweyne Yuweri Museveni ayaa ku guulaystay ku dhawaad 59% codadkii laga dhiibtay doorashadaas, sida uu shaaciyay guddiga doorashada ee Uganda.

Robert Kyagulanyi, oo caan ku ah magaca Bobi Wine, ayaa helay 35% codadkii la dhiibtay. Balse ninkaas oo horay fannaan u ahaa ayaa qaadacay natiijadaas.

Museveni oo 76 jir ah ayaa Uganda xukumayay tan iyo 1986, waxaana uu sheegay inuu astaan u yahay xasilloonida dalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post