2289 Views

Gudoomiye Yariisoow Oo Ka hadlay Markii Ugu Horeysay Maqaamka Muqdisho

Gudoomiye Yariisoow Oo Ka hadlay Markii Ugu Horeysay Maqaamka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 11, 2018–Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cismaan Yariisow, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta ku aadan maqaamka Magaalada Muqdisho oo Yariisow aad uu uga gaabsanaayay muddooyinkii dambe.

Yariisow oo Khudbad ka jeedinaayay furitaanka Kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay dadka ku nool Gobolka Banaadir inay u baahan yihiin helida xuquuqda matalaada Siyaasadeed ee ay dalka ku leeyihiin.

Gudoomiye Yariisow, ayaa wuxuu tilmaamay Maqaamka Gobolka Banaadir oo ku yimaada arrin Dastuuri ah inay tahay waxa ay u baahan yihiin Bulshada Gobolka Banaadir ku nool.

“Shacabka Gobolka Banaadir waxa ay la dalbanayaan xuquuqdii ay lahaayeen, Gobolka Banaadir wuxuu la mid yahay Gobolada dalka, sidaasi daraadeed waxa ay rabaan matalaad inay ku helaan Aqalka Sare, waxay rabaan maqaamka in la dadajiyo, anagana waxaan codsaneynaa bacdamaa Dastuurka uu qeexayo qodobka sagaalaad, Maqaam ku yimid si Dastuuri ah ku yimid si madaxda Qaranka iyo dhamaan shacabka lagala tashtay.” Ayuu yiri Yariisow

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sidoo kale sheegay Bulshada inay dhibaato adag ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka Magaalada xilliyada ay Baarlamaanka Shirayaan.

Wuxuu ka dalbaday xubnaha Golaha Shacabka in wadooyinka aanan laga xiran shacabka Soomaaliyeed si isu socodka dadka iyo gaadiidka uu caadi ku noqdo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment