939 Views

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqday a dacwadii loo haystay Hay’adda Sahan Research iyo agaasimaha guud ee hay’adda ee Matt Bryden.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo  ku dhawaaqday a dacwadii loo haystay Hay’adda Sahan Research iyo agaasimaha guud ee hay’adda ee Matt Bryden.
____________________________________________________________________________

 

Talaado: October 26, 2021

Wararka ka imaanaya  Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa  sheegaya in goor dhawayd ay ku dhawaaqday dacwad  xukunka dacwadii loo haystay Hay’adda Sahan Research iyo agaasimaha guud ee hay’adda ee Matt Bryden.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Cabdikhadar Maxamed Xasan oo saxafada la hadlay ayaa sheegay in xukun xabsi shan sano ah ku riday maxkamaddu Matt Bryden oo hadda ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale waxay maxkamadda xukun ku riday Ajaaniib kale oo kamid ah aasasayasha hay’adda Sahan Research oo dhamaantood maqanayaal ah, ayaa waxa laamaha dambi baarista lagu faray inay soo qabtan eedeysanayaasha.

“Maxkamadda ayada oo raaceysa habka xeerka ciqaabta Soomaaliyeed waxay eedeysane Matt Bryden ku heshay qoddobada 215 faqrada 1-aad iyo 328 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 5 sano oo xariga ah,” ayuu yiri Guddoomye Cabdikhadar Maxamed Xasan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maxkamadda gobolka Banaadir ay wax dambi ah ku weysay eedeysanayaasha Rashiid Cabdi, Kheyre Cabdiraxmaan, Emmanuel Deiser, David Hopkins iyo nin kale oo Ajnabi ah dacwadihii ka dhanka ahaa ee loo haystay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post