1035 Views

Taliyaha Qeybta 60aad oo Boqday askar Tababar Miino Baaris ah uga socto Xerada Tababarka UK

Taliyaha Qeybta 60aad oo Boqday askar  Tababar Miino Baaris ah uga socto Xerada Tababarka UK
____________________________________________________________________________

April 23-2021

 Wararka ka imanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in Taliyaha Qeybta 60aad Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi ( Ciirow) uu  kormeer ugu tagey Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 60aad oo Tababar Miino Baaris ah uga socdo Xerada Tababarka UK ee magaalada Baydhabo.

Ciidamadan ayaa ah kuwa si gaar ah loogu tala galay in ay bartaan ka hor taga qaraxyada iyo sidii loo saari lahaa Miinooyinka dhulka ay ku aasaan alshabaab oo ay la beegsadaan gawaarida Ciidamada Dowlada iyo dadka shacabka ah.

Sidoo kale Taliyaha oo furay  Tababarkan Ciidanka ayaa kula dar-daarmey in ay si wanaagsan u qaataan Tababarka Si looga hortago dhagarta Kooxda Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post