3582 Views

Doorashada Madaxweynaha oo laga yaabo in ay dib u dhacdo

Doorashada Madaxweynaha oo laga yaabo in ay dib u dhacdo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 22, 2016: Warar na soo gaarayo, ayaa sheegaya in dib loo dhigayo waqtigii tala galay doorashada Madaxweynaha ee qorshuhu ahaa inay dhacdo 30-ka October ee soo socota.

Ilo ku dhow dhow Guddiga Doorashooyinka ayaa xaqiijiyay in arrimo farsamo awgeed laga yaabo inay dib uga dhacdo doorashada Madaxweynaha.

Waxaa wararka ay intaa ku darayan in ay u badan tahay in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha 15-maalmood illaa 30 maalmood, si la sheegayo.

Guddiga Doorashooyinka dadban oo xalay soo saaray war saxaafadeed ayaa muujinayay in aanay doorashada waqtigii loogu tala galay aanay ku dhici karin, sababo ku aadan caqabado isugu jira mid siyaasadeed, amni, maamulida miisaaniyada iyo odayaasha oo aan wali soo dhameystirin liiska ergooyinka ka qayb geli-lahaa.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa horay shaki u geliyay in waqtiga doorashada inay dib uga dhacdo waqtigeedii, isla markaana loo sii seeta-dheereeyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, in kasto musharihiinta aysan qodob xoogan aysan u haysan arrintaas.

Guddiga doorashada ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu ku dhawaaqo dib u dhigista doorashada qaab farsamo camal ah.

Si kastaba ha ahaatee hadii mar kale doorashada dib u dhacdo, waxay noqoneysaa markii labaad oo doorashada waqtigeedii ay dib uga dhacdo, iyadoo 10-kii bishan oo markii hore aheyd waqtiga ku asteysneyd inay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha dib loo dhigay illaa 30-October.Arrinta dib u dhigidda aya waxa ay u dan u tahay Bulsha weynta Soomaaliyeed oo nabad gelyo ku helaayo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment