255 Views

Hargeysa oo lagu soo bandhigay buug ka hadlaya taariikh nololeedkii Xaaji Cabdi Waraabe

Hargeysa oo lagu soo bandhigay buug ka hadlaya taariikh nololeedkii Xaaji Cabdi Waraabe
____________________________________________________________________________

Sabti: december 17, 2022

Waxaa xalay magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland lagu soo bandhigay, buug uu qoray abwaan da’a yar oo ku nool magaaladaasi.

Buugga ayaa waxaa laga qoray, Allaha u naxriistee Xaaji Cabdikariin Xuseen oo ku magac dheeraa Cabdi Waraabe, oo ahaa nin taariikh dheer leh.

Si weyn ayaa waxaa looggu xasuustaa ka shaqeynta nabadda, iyo arrimaha dibu heshiisiinta beelaha Somaliland iyo dhismaha maamulkaba. Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo buuggaasi qoray, ayaan wax ka weydiinay doorkii uu Xaaji Waraabe ku lahaa arrimaha dib u heshiisiinta, dib u dhiska Somaliland.

Abwaanka ayaa sheegay in magaalooyinka ay soo galeen jabhado ku dhisan, kuwaasoo nidaam saneyn.

Waxey qalqal galiyeen noloshii magaalooyinka, iyadoo Xaaji Cabdi Waraabe, uu door weyn ka qaatey dibu heshiisiinta, iyo dhismaha dowladda Somaliland, taasoo ugu danbeyntii keentay xal nabad gelyo iyo kala danbeyn.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post