231 Views

Madaxweynaha Xassan Sheekh oo ka qeyb galaya Shirka Jaamacadda Carabta oo kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres

Madaxweynaha Xassan Sheekh oo ka qeyb galaya Shirka Jaamacadda Carabta oo  kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 2, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-Shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka si loo soo af-jaro argagixisada, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee SONNA.

“Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin ammaanka dalka iyo dhammeystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka argagixisada, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Villa Somalia.

Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post