642 Views

RW Rooble “Guul ayaan u rajeenayaa dhamaan ardayda galaysa imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sar

RW Rooble “Guul ayaan u rajeenayaa dhamaan ardayda galaysa imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sar
____________________________________________________________________________

Sabti: June 18, 2022

 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.

Imtixaankan oo ay u fariisteen arday tiradoodu gaarayso 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu  ka daah-furay Muqdisho, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo waqti badan la galiyey.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo  kaalinta ay nolosha ka geli doonaan, waxa uuna ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.

Dhanka kale Wasiirka wasaarada Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Cabdullaahi Carab oo goobta furista imtixaanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ardayda imtixaanka geleeyso ay yihiin 34 kun oo 25 kun oo kamid ah ay gobolka banaadir ku galayaan.

Waxa uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda in afar maamul goboleed oo kala ah Hir-shabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland uu saka isna ka bilaawaday imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee dugsiga sare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post