2670 Views

Xildhibaanada Cadaado oo Madaxweyne u doortay Axmed Baasto

Xildhibaanada Cadaado oo Madaxweyne u doortay Axmed Baasto
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 20, 2018 —Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee maamulka Galmudug Axmed Maxamed Xasan (Axmed Baasto) ayaa lagu doortay magaalada Cadaado ka dib markii xildhibaanada ku sugan Cadaado ay sameeyeen doorasho Madaxweyne oo u shir gudoominaayay gudoomiye xilka laga qaaday Casir.

Doorashadda Maanta ka dhacday Cadaado ayaa waxaa ku tartamaayay labadda Musharax ee kala ah.
1. Axmed Maxamuud Xasan Baasto ayaa helay 52 Cod
2. Cabdixakiin Cali Guure ayaa helay 8 Cod.

Garabka Xildhibaanada ku sugan Magaalada Cadaado ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Abaabul Siyaasadeed oo ay kaga soo horjeeddaan Madaxweynaha Galmudug.

Axmed Baasto ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, waana si weyn looga yaqaaano gobolka Mudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa labo u kala qeybsan ,iyadoo ay xusid mudan in garabka ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ay horay u doorteen Gudoomiye Baarlamaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment