567 Views

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay sharci Muran Badan dhaliyay

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay sharci Muran Badan dhaliyay
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13, 2021

Mudaneyaasha Baarlamanka maamulka Puntland ayaa galay fasax mudda saddex maalmood ah, si ay u soo akhriyaan hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo loo qaybiyay shalay.

Hindise-sharciyeedkan oo uu Baarlamanka u soo gudbiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi, waxa lagu wareejiyay guddiga arrimaha bulshada, dhaqanka,warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Baarlamanka, si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad.

Kulanka Baarlamanka ayaa sida uu qorsha yahay la isu’gu soo laaban doonaa maalinta Sabtida ah oo ku beegan July 17, 2021, iyadoo golaha la hor-keeni doono hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah.

Dhinaca kale, xildhibaanno kooban oo taageersan xukuumadda ayaa doonaya in laga laabto wax-ka beddelka lagu sameeyay xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland, inkastoo mudanayaasha badankoodu isku raacsan yihiin wax-ka beddelkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post