1839 Views

Hormuud oo si kulul uga jawaabtay maqaal lagu qoray Majaladda Foreign Policy

Hormuud oo si kulul uga jawaabtay maqaal lagu qoray Majaladda Foreign Policy
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 11, 2018 – Warbixin talaadadii lagu daabacay majaladda Mareykanka laga leeyahay ee Foreign Policy ayaa lagu magac dhabay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Ujeedka warbixinta kuma qotomin howlaheeda laakin waxaa loo soo qaatay tayo xumada isku dubaridnaan la’aanta xoogagga qaranka Soomaaliya ee SNA.

War-saxaafadeed ay maanta soo saareen shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayey si kulul ugu beeniyeen sheekada lagu xigtay maqaalkaas.

“Hormuud waxa ay aad uga xun tahay maqaalkii dhawaantan ee Majaladda Foreign  Policy ee uu qoray Amanda Sperber, cinwaankiisuna ahaa ‘Soomaaliya waa dal aan ciidan lahayn’ kaasi oo uu qoraagu isku dayay in uu magac dilo astaanteenna tayo iyo adeegyadeenna” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo ku qornaa Af Ingiriis.

Bayaanku waxa uu intaas ku daray, “Hormuud waxa ay aad ugu faaneysaa doorka  togan oo ay sii wado, kaasoo ah isku xirka dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba..waxa aan bixinnaa adeegyo isgaarsiineed oo tayo leh laguna kalsoonaan karo, oo si sharci ah ay u helaan dadka Soomaaliyeed, dowladda iyo ciidamada qalabka sida.”

“Waxa aan sidoo kale ku faaneynaa adeegyadeenna sugan ee aan u qabanno hay’adaha caalamiga ah ee noo ogolaaday in aan noqonno shirkadda Isgaarsiinta ugu horreysa wadanka” ayuu sheegay bayaanka.

War-saxaafadeedka oo usoo daadagay sheekada lagu qoray Foreign Policy, ayaa ku nuuxnuuxsaday. “Eedeynta maqaalka ee ah Alshabaab ayaa saameyn mug leh ku leh si ay ugu xiriiraan marka uu dagaal jiro waa dacaayad aan sal lahayn, kana hor imaaneysa qiyamkeenna aasaasiga ah.”

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeyay, “Hormuud waxa ay soo dhaweyneysaa warbaahin walba oo dooneysa inay wax ka ogaato ganacsigeenna iyo taariikhda aan ku faaneyno ee ku dhisan Isku kalsoonaan, mas’uuliyad iyo adeeg-inay nagu soo booqdaan Soomaaliya intii ay dibadaha ka sameyn lahaayeen warbixinno ceebeyn ah.”.

Maqaalka Foreign Policy ee cinwaankiisu ahaa ‘Soomaaliya waa dal aan ciidan lahayn’ ayaa magaca Hormuud lagu xusay tuduca afaraad.

Waxa uuna u qornaa, “Kadib tobaneeyo sano oo kaligii taliye ka arriminiyay, shirqoollo shisheeye oo guuldarreystay, dagaallo sokeeye iyo kacdoonno hubeysan, Soomaaliya kama jirto maalgelin ku filan oo ay ku maareyso agabka muhiimka u ah ciidamada sida Fooneeyaha iyo Agabka difaaca. Xoogagga qaranka Soomaaliya waxa ay isticmaalaan telefoonada gacanta-ee Hormuud, taasoo leh suuq si ballaaran loo wadaago, oo ay saameyn mug leh ku leeyihiin Alshabaab-si ay ugu xiriiraan marka uu dagaal jiro. Qaar bandanna waxa ay ku howlgalaan Halow-halow”.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment