1098 Views

5 sano ka dib afgambigii dhicisoobay: Turkiga oo amray in la soo xiro askar hor leh

5 sano ka dib afgambigii dhicisoobay: Turkiga oo amray in la soo xiro askar hor leh
____________________________________________________________________________

Talaado: September 7, 2021

 Shan sano kadib afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Turkiga, dacwad oogayaasha magaalada Izmir ee galbeedka Turkiga ayaa soo saaray amaro ay ku xirayaan laba boqol iyo afar iyo toban askari oo hor leh.

Dawladda Turkiga ayaa shaqada ka eriday18 kun oo qof oo isugu jira askar, saraakiil booliis, macallimiin iyo qaar ka tirsan shaqaalaha rayidka ah.

Waxaa sidoo kale la xiray xarun telefishin iyo saddex wargays.

Waa shaqo ka tiristii ugu dambaysay ee ay xukuumaddu samayso ka dib afgambigii dhicisoobay ee bishii July sannadkii 2016 –kaas oo masuuliyiinta dalkaas ay ku eedaynayeen wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka ee Fethullah Gulen.

Dawladda Turkiga ayaa ku eedaynaysa dadka shaqada laga eryay in ay xiriir la leeyihiin kooxo argagixiso ah.

Kala bar dadkaas waa saraakiil booiis ah, saddex meelood meelna waa xubno katirsan ciidamada qalabka sida.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post