1089 Views

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida oo kulan la yeeshay saraakiisha amniga

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida oo kulan la yeeshay saraakiisha amniga
____________________________________________________________________________

Isniin: November 1, 2021

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxummed Cumar ayaa maanta kulan la qaatay saraakiisha sarsare ee hay’adaha ammaanka deegaanka.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda deegaanka Soomaalida kulankan ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo la sheegay in muhiimad gaar ah ay xilligan u leeyihiin amniga deegaanka.

Qodobada shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah xoojinta iyo adkeynta amniga gudaha iyo sugidda amniga xuduudaha deegaanka soomaalida.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli uu dagaal xooggan ka socdo gobolka Amxaarada kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga TPLF.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post