2157 Views

Kenya Oo Mar Kale Ka Digtay Weerarro Kaga Yimmaadda Al-Shabaab

Kenya Oo Mar Kale Ka Digtay Weerarro Kaga Yimmaadda Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho June 08, 2018 —Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa mar kale ka digay weerarro kaga yimmaadda dhanka Al-Shabaab inta lagu guda jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.

War saxaafadeed ka soo baxay Shalay Khamiistii, Boliiska Kenya ayaa lagu sheegay in ay heleen xog la isku halayn karo oo ah in Al-Shabaab qorsheynayaan weerarro, iyagoo beegsanaya kaabayaasha muhiimka ah ee Mandheera, Wajeer, Gaarisa iyo Gobollada xeebta.

Afhayeen u hadlay Boliiska Kenya oo lagu Magacaabo Charles Owino, ayaa sheegay in kooxahan ay si gaar ah u beegsanayaan xarumaha maamulka iyo Saraakiisha muhiimka ah, wuxuuna ku hanjabay inay ka war hayaan damacooda iyaguna ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay kaga hor tagayaan falalka argagixisada.

Dowladda Kenya ayaa marar badan ka digtay weerarrada Al-Shabaab gaar ahaan Bisha barakaysan ee Ramadaan, markaas oo ay kordheen  weerarrada iyo dilalka qorsheysan.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Shan Sarkaal oo ka tirsanayd Ciidanka la dagaallanka argagixisada ee GSU loo yaqaan ay u dhinteen Miino kula qaraxday Gaadiidkii ay wateen degaanka Xaar-xaar oo ka tirsan Libooya Kenya, halkaasoo uu dhaawac ka soo gaaray Saddex kale oo isla Ciidankaasi ka mid ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________

 

 

 

 

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment