717 Views

Ciidamada Duufaan ee NISA oo howlgallo qorsheysan oo dad lagu qabqabtay ka fuliyay degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir.

Ciidamada Duufaan ee NISA oo  howlgallo qorsheysan oo dad lagu qabqabtay ka fuliyay  degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir.
____________________________________________________________________________


Sabti: November 20, 2021

 Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgallo qorsheysan oo dad farabadan lagu qabqabtay waxaa ay xalay ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen saraakiil ka tirsan Ciidanka NISA ayaa waxaa lagu baarayay Guryaha kuyaal Afarta Waaxood ee degmada Shibis & Gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda degmada Shibis iyo taliyaha Booliska degmadaas ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaan uu qeyb ka ahaa howlgallada Ciidamada Ammaanka ka wadaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa ay sheegeen in laamaha Amniga degmada Shibis gaar ahaan Ciidamada ilaalada Shacabka ee (Dharcadka) ay ku guuleysteen amniga degmada, isla markaana sanadkaan 2021 degmada Shibis uusan ka dhicin falal amni darro.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay Magalada Muqdisho ka sameeynayeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayay , iyada oo howlgallada qaar lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post