2118 Views

Ilaalada Madaxda Jubbaland Oo Laga Mamnuucay Inay Hub Ku Dhex Qaataan M/Kismaayo

Ilaalada Madaxda Jubbaland Oo Laga Mamnuucay Inay Hub Ku Dhex Qaataan M/Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Oktoobar 27 2018 —Waxaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Maanta shir jaraa’id ku qabtay Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur,isaga oo kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan dhinaca Amniga.

Wasiirka ayaa soo saaray amar ah in Magalada Kismaayo aan marnaba la ogolaan doonin in lagu dhex qaato hubka sharci darada ah cidii lagu arkana tallaabo laga qaadi doono.

Ciidan isku dhaf ah oo ka kala socda hay’addaha amniga Jubbaland Sida Boliiska Nabad Sugida iyo Daraawiishta ayaa loo qorsheyay in ay magalaada ka fuliyana hawgalka lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada guud ahaan sida uu sheegay wasiirka Amniga Jubbaland.
Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu sheegay in todobaadkaan Gudihiisa Magalada Kismaayo ay ku shiri doonaan Wasiirada Amniga iyo taliyeyaasha Dowlad goboleedyada

m1

m2 m3

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment