2211 Views

Ciidamada Kenya Oo Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Ku Dilay Ceel-Waaq

Ciidamada Kenya Oo Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Ku Dilay Ceel-Waaq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 12, 2018 –Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka uu halkaas ka dhacay dagaal khasaare geystay oo dhexmaray ciidamo Kenyan ah iyo kuwa dowlada ee degmadaas ku sugan.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday markii kadib ciidamo Kenyan ah oo soo galay degmadaas ay dileen Dhamme Maxamed Aadan Yuusuf oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Somalia oo ay ku weerareen hoygiisa.

Col. Aadan Rufle oo ka tirsan ciidamada dowlada ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamo Kenyan ah oo isku soo ekeysiiyey Al-Shabaab ay dileen sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, dibna ugu laabteen xadka dalkooda.

“Ciidamada Kenya oo wejiyada soo duubtay, isla markaana watay saddex gaadiidka dagaalka ah iyo Calanka Al-Shabaab ayaa ka soo gudbay xadka Kenya, kuwaasoo dilay sarkaalkan oo ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee ka horjeeday damaca dhul balaarsiga Kenya” ayuu yiri Col Aadan Rufle.

Waxaa uu sheegay in markii hore loo qaatay ciidankan iney yihiin Al-shabaab hase ahaatee la ogaaday iney yihiin ciidamo Kenyan ah markii ay ka gudbeen xadka Kenya oo wejiyada ay furteen calankii Al-shabaabna ka dejiyeen gaadiidkooda.

“Waxay markii hore raadinayeen odayaal reer Gedo ah oo wax ka abaabulay gadoodkii shacabku ka sameeyeen degmada Belad Xaawo ee dhul ballaarsiga Kenya lagu diidanaa kuwaasoo shalay isaga tegay Ceelwaaq, balse markii ay waayeen ayey weerareen hoyga Dhamme Maxamed Aadan Yuusuf oo ay dileen” ayuu yiri Col. Aadan Rufle oo intaa ku daray in Kenya ay sameysatay ciidamo iska dhigaya Al-Shabaab si ay u khaarajiso saraakiisha iyo dadka danaheeda ka soo horjeesta.

Waxaa uu xusay in ciidamada xoogga dalka ay u aargudi doonaan saacado gudahood dilka sarkaalkan loo geystay isagoo dowlada Somalia ugu baaqay ineysan ka aamusin arritan, ayna jawaab kulul ka bixiso.

Dowlada Kenya ayaan ka jawaabin eedeynta loo jeediyey, sidoo kale dowlada Soomaaliya weli kama hadlin falkan ciidamada Kenya ay ku qaarajiyeen sarkaal ka tirsan ciidamada XDS.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment