1527 Views

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 11, 2018 —Ra”iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane, Xasan Cali Kheyr, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, markii booqasho rasmi ah uu laba cisho ka hor ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Sacuudiga waxay kulamo la qaateen Boqorka dalkaasi, Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal sugahiisa Maxamed Bin Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee Labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha ganacsiga , fursadaha maal-gashi ee dalka ka jira iyo horumarinta dhaqaalaha dalka

Mudane Kheyre ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu soo booqday xaramka barakaysan, isaga oo halkaasi ku soo cumraystay, una soo duceeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment