1140 Views

KURSI VS QABYAALAD| XUQUUQDA GOBOLKA BANAADIR !

KURSI VS QABYAALAD| XUQUUQDA GOBOLKA BANAADIR !
____________________________________________________________________________

Hordhac/Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi akhristoow; Gaas iyo Faroole waxaa ka go’neyd in “Reer Muqdisho” laga dhigo sida “Cali Beesteenka” Mareeykan daganaan jiray (Native Americans). Hadii sidaasi suurtagali weeysana, ugu yaraan la gaarsiiyo, sida dalka Mareeykaka ku yihiin “Madoowga Mareeykanka”, kuwaasoo awooda dalka laga heeysto, loo adeegsado, iyadoo waxkastoo xumaan ah lagu sameeyo, halka dhanka kalena, reeraha iyo deegaanna ay kasoo wada jeedaan Gaas iyo Faroole la gaarsiiyo heerka maanta Yuhuuda ka tahay dalka Mareeykan, ku waasoo gacantoodu kuwada aruurssn tahay, awoodii siyaasadeed, tii dhaqaale, tii warbaahineed iyo tii cadaaladeed intaba.

Nimanka dhanka kale “Reer Muqdisho” miiskaa ku matalayey, ee hogaaminayey, waxeey ahaayeen: MD Sheekh Shariif iyo MD Xasan Sheekh, oo kursiga Madaxweynenimo isaga dambeeyey, Nasiibdaro! Hadafka kaliya ee ay lahaayeena uu ahaa:

1- Inta eey xilka hayyaan, ineey ka nastaan, kana nabad galaan, qeeylada, buuqa iyo qaska Butlaan. 2-In marka xilka ka dhamaado, Faroole iyo Gaas ku caawiyaan, ineey kursiga Madaxweynenimo dib ugu soo laabtaan.

Si labadaas hadaf eey u gaaraan MD Shariif iyo MD Xasan, wuxuu miskastaba diyaar u noqday, inuu ku badasho, waxkasta oo ay Gaas iyo Faroole uga heli karaan labadaa arin. Hadii eey ahaan laheyd:

B-In caasimada Muqdisho shaki lagu galiyo dastuurka dhanka ee dhinaca Butlaan u dheelinaya,

T-Ineey MD Shariif iyo MD Xasan talada dalkaba u daba fariistaan Faroole iyo Gaas kadib dhisidii Madasha mamaul goboleedyada iyo DF.

J-In Dastuurka dalkoo dhanba lagu saleeyo, qaabka qabyaaladeedka, ay u fikirayaan Gaas iyo Faroole, sida: In bam siyaasadeed lagu xasuuqo dhowrka milyane ku nool gobolka Banaadir, wax matalaad ahna eeysan ku yeelan Aqalka sare. Ogoow hade waxa sidaa in lagu sameeyo, eey ogolaanayaan Xasan iyo Shariifka, waa dadkii iyo deegaankii eey kasoo wada jeedaan! Waliba marka arintaa la ogoleeysiinayo, waxaa dhanka kale la ogoleeysiinayaa in Butlaan tiro dheeri ahoo Sad-bBursi ahoo 14-Senator gaaraya, aqalka sare laga siiyo, halka maamullada kale sida: Gal-Mudug iyo Hir-shabeelle, oo eey Shariifka iyo Xasan kaso wada jeedaan, laga siinayo aqalka sare min 11-Senator oo qura. Waxeey MD Sh Shariif iyo MD Xasan Sheekh ku qanceen ineey talada dalkaba si aan toos aheyn ugu wareejiyaan Faroole iyo Gaas. Waxeey sidoo kale Faroole iyo Gaas ogoleeysiiyeen MD Xasan Sheekh iyo MD Sheekh Shariif in maamulka Koonfur Galbeed lasoo gaarsiiyo illaa Jaziiro, oo la dhoho Jaziiro ayaa laga xukumaa Baraawe. Waxoo dhan waxeey MD Shariif iyo MD Xasan ku badalanayeen in Faroole iyo Gaas ku taageeraan kursiga sideey ugu soo noqon lahaayeen. Xittaa markii Faroole iyo Gaas dhulka la jareen MD Sheekh Shariif, waliba isla kaartadii lagu sameeyey Sheekh Shariif ayuu Xasan Sheekhna sii ogolaaday, illaa isagana wixii larabo laga sameeystay, kadibna dhulka sidii oo kale loola jaray.

Siyaasada Mareeykanka waxaan ka bartay, wax la dhoho “Unity of Purpose”, ama jiritaanka ulajeedooyin laga mideeysan yahay. Tusaale ahaan waxaa jira waxyaabo Dimoqraadiyiinta/Democrats-ka ka mideeysan yihiin, kana wada shaqeeynayaan, waxkastoo dhaca. Halka qolada Jamhuuriga/Republicans-kana sidaa si la mid ah uga mideeysan yihiin arimo kale, kana wada shaqeeyaan, hadii waxkasta dhacaan. Sidaa daraadeed, farqiga u dhexeeya siyaasiyiinta Puntland, iyo kuwo Muqdisho ayaa ah, in Siyaasiyiinta Puntland ku shaqeeyaan, mabda’ qabyaaladeedoo ku fadhiya, sidii Puntland iyo beesha MJ waxkasta loogu Sad-Burin lahaa, beeshan Banaadirna waxba-yahay looga dhigi lahaa. Nasiibdarro! Siyaasiyiinta Reer Muqdisho waxa kaliya ee ay ka fikiraan, waa danahooda shaqsiyeed, kuwaasoo aan dhaafsiisneyn: Kursi iyo lacag. That is all.

In maanta xuquuqda gobolka Banaadir maqnaato, oo waliba siyaasiyiinta “Reer Muqdisho” baarlamanka kaga dhex tuugsadaan, waliba rag iyo dumar aan u dhalan Muqdishana sheegtaan gobolka, iyagoo ku cariiqsanaya, heerka waxaa “Reer Muqdisho” gaarsiiyay, ragii iyagoo awooda dalka ugu sareeysee Madaxweeynenimo ku fadhiya, eey Gaas iyo Faroole ku qabciyeen, in dadkooda iyo deegaanka bilaa xuquuq laga dhigo, si kursiga dib loogu celiyo markale.

Natiijadi waxeey noqotay in kursigiina aanu midkoodna kusoo noqonoo laga codeeyo, dadkoodii iyo deegaankoodiina ka dhigaan bilaa xuquuq. Maanta ayey waji xumidooda inasoo hor istaagayaan, waliba iyagoo xuquuqda gobolka Banaadir inagala hadlaya, subxaanallaah.

Hadii “Reer Muqdisho” ahaan lahaayeen, ummad taariikh wax ku qiimeeysa, dadka dhibka weyn u geeysteyna kula xisaabtana, dib dambe MD Sheekh Shariif iyo MD Xasan Sheekh looma sii arkeen, iyagana cimaamada iyagoo wajiga ku qarsanaya, ayey dadka reer Muqdisho ka dhuuman lahaayeen, ee iyagoo xukun rajo markale ka qaba, inamasoo hor istaageen. Waxeeyse ogyihiin in qabyaalad loogu sacaba tumi doono, maadaama kuwo iyaga kasii xunba, waligeed hore loogu soo sacaba tumi jiray.

Wabillaahi Toowfiiq.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post