396 Views

Koox hubeysan oo Beledweyne ku dishay Sarkaal Boolis ah.

Koox hubeysan oo Beledweyne ku dishay Sarkaal Boolis ah.
____________________________________________________________________________


Sabti: March 5, 2022

Allah ha unaxariistee waxaa magaalada Beledweyne si gaar ah xaafada Holwadaag ee Magaaladaas Sarkaal lagu sheegay magaciisa Axmed Xasan Biriq, iyadoo kooxdii hubeysaneed ee ka dambeesay dilkiisa la tilmaamay in isla goobta falka ay ku geysteen lagu toogtay.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa uu ka mid ahaa sida la sheegay Saraakiisha Ciidamada Booliska Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabelle, waxaana toogashada kooxda dilka geesatay fuliyay Ciidanka Booliska Saldhig galbeed Beledweyn.

Sida sawirro baraha bulshada lagu faafiyay ka muuqatay Kooxda marxuumka dilka u geesatay ayaa ku hubeysanaa Bastoolado, iyagoo kadib dilka isku dayay in ay ka baxsadaan goobta, balse taa masuurta gelin oo ciidamo boolis ah oo isla goobta ku sugnaa ayaa wada toogtay, inkastoo ay ahaayeen seddex ruux kooxda.

Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa ku sugan Magaalada beledweyne kuwaa oo halkaa u jooga sidii ay u sugi lahaayeen amniga guud ee doorashada Golaha Shacabka, maadama Beledweyn ay tahay deegaan doorashada Labaad ee DG Hirshabeelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post