363 Views

Xuska Munaasabada Maalinta Diiwaangalinta Madaniga iyo Istaatistikada Muhiimka Ah Ee Afrika

Xuska Munaasabada Maalinta Diiwaangalinta Madaniga iyo Istaatistikada Muhiimka Ah Ee Afrika
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 11, 2022

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay oo taariikhdu ahayd  10ka Agoosto 2022, ku xustay Xarunta Wasaaradda Munaasabadda Maalinta Shanaad ee Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah ee Afrika 12 sano kaddib markii la aasaasay Barnaamijka Afrika ee dardargelinta iyo horumarinta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah, kaasoo ah hannaan laga hirgeliyay Qaaradda Afrika looguna talagalay in lagu siiyo Waddamada Afrika taageero isku dhafan laguna adkeeyo isuduwidda si loo xoojiyo nidaamka Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

Golaha Fulinta ee Midowga Afrika kalfadhigiisii caadiga ahaa ee 32aad, oo ka dhacay Addis Ababa 25kii iyo 26kii Janaayo 2018kii, ayaa ku dhawaaqay in ay 10ka Agoosto tahay Maalinta Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah si kor loogu qaado u qareemidda muhiimadda nidaamkan uu u leeyahay koritaanka Qaaradda Afrika. Waa munaasabad lagu weyneeyo taageerada iyo ballan-qaadyada heer qaran iyo heer goboleed ee lagu xoojinayo nidaamyadan iyo in la kordhiyo isuduwidda daneeyayaasha si looga faa’iideysto adeegyada khuseeya arrimahan. Haddaba, maanta ayaa ah maalinta Dalalka Afrika ay dib u xaqiijinayaan ka go’naanshaha qaadashada door hoggaamineed iyo lahaansho si loo xoojiyo Diiwaangelinta Madanigaa iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post