1470 Views

Wasiir Al-Cadaala oo sheegay in R/W Rooble uusan wadahadal la geli doonin Ahlu-Sunna

Wasiir Al-Cadaala oo sheegay in R/W Rooble uusan wadahadal la geli doonin Ahlu-Sunna
____________________________________________________________________________


Talaado: November 16, 2021

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan Dhuusamareeb u tegin inuu wadahadal la galo Ahlu-Sunna, isagoo xusay in Ra’iisul Wasaaraha uu cadyahay mowqofkiisa.

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa tilmaamay in socdaalka Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay la xiriirto sidii uu u kuurgeli lahaa xaaladda ka jirta Galmudug iyo wadatashi ku saabsan xaaladda Dalka iyo dardargalinta arrimaha doorashooyinka.

Wasiir Cadaala ayaa xusay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka uu sidoo kale Madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha Ammaanka, maadaama uu dalku ku guda jira marxalad doorasho.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post