279 Views

Kooxda Al-Shabaab oo beddeshay xeeladdeeda dagaalka, kadib Markii Deegaano badan laga saaray oo dagaalkii looga guuleestay.

Kooxda Al-Shabaab oo beddeshay xeeladdeeda dagaalka, kadib Markii Deegaano badan laga saaray oo dagaalkii looga guuleestay.
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 15, 2022

Maleeshiyaadka  Al-Shabaab oo 2 bil  ee la soo dhaafay waysay Deegaano badan ayna ka dhinteen ku dhawaad 300 Maleeshiyaad ah markii ugu horeysay ayaa la sheegay in ay  beddeshay xeeladdeeda dagaalka.

Al-Shabaab ayaa hadda dib ugu laabtay xeelad ay horey u adeegsan jirtay, taasi oo falanqeeyayaasha amni ay rumeysan yihiin inay caddeyn u tahay in kooxda ay ku qiraneyso inaysan diyaar u aheyn isku dhac iyo dagaal dhimasho badan.

Xeeladda ay Al-Shabaab dib ugu laabatay ayaa ah inay dadka deegaanka ku qasabto inay ka baxaan magaalooyinka kahor inta aysan soo gelin cidamada dowladda, taasi oo ay sameysay kahor inta aan la qabsan deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Xeeladdan ayay shabaab ku sameeyeen Deegaanka Wabxo oo u dhaw  magaalada Ceel-buur, taasi oo ay dadkii daganaa ku amreen in ay ka baxaan kadibna Ciidamada Dowlada oo ka soo baxay markii ay waayeen waxay Maciin Bidaan oo dad ah oo deegaanka jooga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post