987 Views

Xasan sheikh “ Abuu Mansuur waxa uu afduuban yahay koox burcad ah ayaan oran karaa

Xasan sheikh “ Abuu Mansuur  waxa uu afduuban yahay koox burcad ah ayaan oran karaa
____________________________________________________________________________

June 17 2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galayey dood ah lagu qabtay barta Twitter Space ayaa markii ugu horreysay si daah-furnaan ah uga hadlay xarigga Sheekh Mkhqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ku dhowaad sadex sano u xiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa marka hore afduub ku tilmaamay xarigga Mukhtaar Roobow, wuxuuna tilmaamay inuu sharci darro yahay xarigiisa, isaga oo arrimo siyaasadeed uu sababeeyey.

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Roobow uusan u xirneyn arri amni darteed, balse xarigiisa laga leeyahay dano kale.

“Waa la afduubtay, waxaan ku tilmaami karaa qof la soo afduubtay oo u xiran arrimo siyaasadeed umana xirno arrin amni.” ayuu yiri musharrax madaxweyne Xasan Sheekh.

about:blank Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xarigga Sheekh Mkhqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) inuu meesha ka saaro in hoggaamiyeyaal kale ee kasoo baxaan Al-Shabaab,sida uu hadalka u dhigay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post