681 Views

Dowladda kenya oo shaqaale ku kordhisay xafiiskeeda Hargeysa ee Jamhuuriyada Somaliland

Dowladda kenya oo  shaqaale ku kordhisay xafiiskeeda Hargeysa ee Jamhuuriyada Somaliland
____________________________________________________________________________

Talaado:September 7, 2021

  Dowladda kenya ayaa shaqaale ku kordhisay xafiiskeeda Hargeysa ee Jamhuuriyada iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, sanad kadib markii labada dal ay fureen wada hadal ku saabsan iskaashi.

Warqad ku taariikhaysan 2 -da bisha September, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu Kenya u dirtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Saraakiisha ay Kenya u dirtay xafiiskeeda Somaliland ayaa kala ah Benson Mwaliko oo ah Madaxa, Xafiiska Xiriirka, Charles K Waichari oo ah La -taliyaha Labaad, iyo Grace Musau iyo Ronald Nyakweba oo ah Ku -Xigeennada Maamulka.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo daba-yaaqadii sanadkii la soo dhaafay ku kulmay Nairobi ayaa waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu dhaqaaqayo, si loo muujiyo saameynta wadashaqeynta.

  • In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi.
  • In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa meeshii loo gaaro dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.
  • In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.
  • In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Somaliland ay isku waafaqaan xogta iyo waqtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post