594 Views

Malta oo ka xirta xuduudaheda dhammaan dadka aan qaadan Talaalka labada dhibcood Covid19

Malta oo   ka xirta xuduudaheda  dhammaan dadka aan qaadan Talaalka labada dhibcood Covid19
____________________________________________________________________________

Axad: July 11, 2021

Dowladda Malta ayaa sheegtay in ay noqoneyso wadankii ugu horreeyey ee Yurub oo ka xirta xuduudihiisa dhammaan dadka aan qaadan labada dhibcood ee Talaalka Covid19, iyada ay kordheen kiisaska xanuunkaas nuqulkiisa Delta.

Dadka caddeeya in ay soo qaateen talaallada lagu sameeyey Yurub iyo Britain ayaa soo galitaanka Malta loo oggolaan doonaa laga bilaabo 14-ka bishan oo ku beegan Arbacadan fooda inagu soo haysa.

Tan ayey macnaheedu noqoneysaa in dalxiisayaasha ka iman lahaa Mareykanka iyo waddamada kale aan loo oggolaan doonin in ay soo galaan Malta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post