1566 Views

Booliska Kenya oo weeraray xarun Telefishin

Booliska Kenya oo weeraray xarun Telefishin
____________________________________________________________________________

Nairobi | QOL | September 5, 2018 – Ciidammo hubaysan oo la rumaysan yahay inay yihiin booliska Kenya ayaa howlgal ka sameeyay xarunta telefishinka Shiinaha uu ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaaso ay ka qabteen dad ajaaniib ah.

Saddique Shaban oo ka tirsan telefishinka CGTN ayaa sheegay in tiro boolis ah ay weerar kusoo qaadeen xarunta telefishinka islamarkaasna ay ka codsadeen shaqaalihii goobta joogay inay tusiyaan sharciga ay dalka uga howlgalaan iyo kaararka ay isku diiwan geliyeen.

Muqaallo baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinaya ciidammo hubaysan oo dhismaha ka saaraya shaqaale u dhashay Shiinaha.

Arrintani ayaa saamayn ku yeelatay howlaha baahinta ee telefishinka . wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa waddaa howlgallo ay ku baacsanayso dadka aanan sharciga haysanin.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment