258 Views

Shaqaalaha gargaarka ee gobolka Darfur Suudaan oo sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen dagaallo dhexmaray beelo iska soo horjeeda.

Shaqaalaha gargaarka ee gobolka Darfur Suudaan oo  sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen dagaallo dhexmaray beelo iska soo horjeeda.
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 29, 2022

Shaqaalaha gargaarka ee gobolka Darfur ee dalka Suudaan ayaa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen dagaallo dhexmaray beelo iska soo horjeeda. Dagaalka ayaa markii hore ka bilaabmay magaalada Zalingei.

Rag hubeysan oo ka soo jeeda qowmiyadda Carabta ee Rizeigat oo watay mootooyin ayaa weerar ku qaaday xero ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ka soo jeeda qowmiyada Fur.

Dagaaladan ayaa sare u kacay tan iyo sanaddii aanu soo dhaafnay markii ay ciidamadii nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ay ka baxeen gobolkaasi Darfur.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post