1224 Views

SAWIRO:-Ciidamo la wareegay Amniga Magaalada Kismaayo

SAWIRO:-Ciidamo la wareegay Amniga Magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 30, 2019 —Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta la wareegay guud ahaan Amniga Magalada Kismaayo halkaas oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Magalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garoow loogu jiro doorashada Madaxweynaha Jubbaland,waxaana hay’adaha Amniga Maamulkaas ay sheegeen inay Amniga siweyn u xajiijin doonaan.

 

 

 

Maanta ayaa waxa Amniga Magalada Kismaayo lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Jubbaland,waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in Amniga Kismaayo aan gorgortan laga galeyn,isla markaana la xaqiijin doono.

 

Ciidamada oo wata qaarkood Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa saakay lagu arkayay wadooyinka waaweyn ee Magalada Kismaayo & Xaafadaha qaar, waxaana dad Kismaayo ku sugan ay sheegeen in mararka qaar ay gaadiidka baaritaano ku sameynayaan.

 

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska degmada Kismaayo oo la hadlayay Ciidamada Amnga lagu wareejiyay ayaa kula dardaarmay inay amniga adkeeyaan,sidoo kalena ay ka hortagaan dadka doonaya qalqal gelinta dhinaca Amniga.

 

Magalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo isugu jira Boolis iyo Millateri ka mid ah kuwa Jubbaland iyo Ciidamada Kenya oo ku howlgalla Magaca AMISOM,waxaana Magalada Kismaayo laga dareemayaa u diyaar garoowga doorashada wallow ay jiraan dhaliilo soo baxaya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment