1731 Views

Mareykanka oo Shaaciyey waqtiga uu soo afjarayo howlgalka uu ka wado Soomaaliya

Mareykanka oo Shaaciyey waqtiga uu soo afjarayo howlgalka uu ka wado Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 14, 2019 –Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in howlgalka Millateri ay ka wadaan Gudaha Soomaaliya ay qaadan doonto mudo 7  Sano oo horleh, isla markaana dhowrkaas sano lagu soo afjari karo.

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa todobaad ka hor saxiixay Wareegto uu mudo hal sano ah uu ugu kordhiyey howlgalka uu ka wado gudaha Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira mid cirka ah iyo tababaro ay Saraakiil Mareykan ah siiyaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

 

Wareegtada ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in Al-Shabaab loo baahan yahay in lagula dagaalamo deegaanada ay ku sugan yihiin inta aysan gaarin qatartooda Mareykanka taasina ay tahay sababta ay Ciidamo Mareykan ah u joogaan dalka Soomaaliya.

 

Dhinaca kale Warbixin ay dhawaan soo saartay Waaxda dhinaca Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in weeraro laga fuliyey soomaaliya sanadkan 2019 lagu dilay 255 xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

 

Ciidamada Mareykankaka jooga Soomaaliya ayaa waxaa ay siugu jiraan Saraakiil iyo askar,kuwaas oo lagu qiyaasay tiro ahaan 500 ilaa 600 waxaana ay yihiin kuwo tababara Ciidan siiya Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya,sidoo kalena Weeraro dhinaca cirka ah la beegsada Xarumaha Ururka Al-Shabaab ee gobolada dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment