1272 Views

SAWIRO:-Howgallo laga sameeyey Muqdisho & Guddiga Amniga oo ka hadlay

SAWIRO:-Howgallo laga sameeyey Muqdisho & Guddiga Amniga oo ka hadlay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 1, 2019 –Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen degmooyin badan oo ka tirsan gobolkan Banaadir,howlgalkaas oo ahaa mid amniga Muqdisho lagu xaqiijinayay,sida ay sheegeen Saraakiisha hoggaamineysay.

Ciidamada ayaa sawirro la soo dhigay Baraha Bulshada, iyaga oo howlgalka ku jira ayaa waxaa la arkayay iyaga oo baaraya guryaha qaar iyo alaabta dhex taala,halka dadka qaarkood ee wadooyinka maraya ay baaritaano ku sameynayeen.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay, kadib mudo todobaad ah oo Magalada Muqdisho ay ka dhacayeen weeraro, dilal iyo qaraxyo ay waxyeelada ugu badan kasoo gaartay dadka Shacabka ah ee ku sugan goobaha la weeraray iyo halka ay qaraxyada ka dhaceen.

Guddiga amniga ee loo xilsaaray Ammaanka Magalada Muqdisho,kuwaas oo ka kooban Wasiiro, Saraakiisha ciidanka iyo Gudoomiyaha Gobolka ayaa ku kulmay Saldhiga Degmada Wadajir, iyaga oo ka hadlay xaalada amni iyo hwolgallada socda.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in Guddiga ay ka hadleen xaalada ami ee Muqdisho,sidoo kalena ay kormeereen Goobaha ay howlgallada ka socdaan.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in Maamulka gobolka Banaadir ay soo jeediyeen baahiyaha ay qabaan ciidamada qaar,waxaana uu sheegay in Xaafadaha qaar ee Magaalada Muqdisho ay weli howlgallo ka socdaan,waxaana Shacabka uu ugu baaqay inay dulqaataan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment