2487 Views

Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Degmooyinka Somaliland ee 17 Degmo

Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Degmooyinka Somaliland  ee 17 Degmo
____________________________________________________________________________

June 4 2021

Waxaa socda tirinta codadkii Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Degmooyinka Somaliland, waxaana soo baxay ilaa iminka natiijada hordhaca ah ee 17 Degmo-doorasho.

Natiijooyinka ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa muujinaya inay ku horeeyaan marka la isku daro xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID oo helay tirooyinka ugu badan xubnaha Golayaasha degmooyinka.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa ku horeeya degmooyin badan, isagoo helay tirada ugu badan xubnaha golayaasha marka xisbi ahaan loo xisaabo, laakiin labada xisbi mucaarad marka la isku daro ayaa ka horeeya xisbul xaakimka

Waxaa la doortay ku dhowaad 180 ka mida kuraasta Golayaasha degmooyinka, waxaana xisbiga Kulmiye oo ugu horeeya uu helay 76 kursi, Waddani oo ku xiga ayaa helay 64 kursi, halka UCID uu helay 37 kursi:

Hoos ka akhriso 17-ka Degmo ee lagu dhawaaqay natiijada:

1. Zeylac
2. Lughaya
3. Sallaxley
4. Buuhoodle
5. Laas Caanod
6. Xudun
7. Taleex
8. Gar-adag
9. Sheekh
10. Ceel Afweyn
11. Oodweyne
12. Caynabo
13. Balli-gubadle.
14. Boorame
15. Ceerigaabo
16. Baki
17. Burco

Xigasho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post