330 Views

Ciidamada dowladda oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Ciidamada dowladda iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa kaabiga ku haaya deegaanka Booco oo dhaca qiyaastii 50KM Koonfurta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalka hoggaaminaya Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayaan saraakiil ciidan oo ay kamidyihiin Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Taliyaha qeybta 27-aad ee Janeraal Tawane Axmed Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale.

Ciidamada xoogga dalka qeybaha guutada 5-aad qeybta 27-aad guutada 8-aad ee Gorgor iyo ciidanka kumaandooska Danab oo aay bar-bar socdaan ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ayaa fulinta howlgalka iska kaashanaya, waxaana sidoo kale qeyb ka ah  Diyaaradaha dagaalka ee  saaxiibada Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in looga baahan yahay Ciidamada degaanka iyo dadka Shacabka iyo kuwa dowladda Soomaaliya in iyaga oo iskaashanaya ay siwadajir ah degaannadooda uga xorreeyan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ka guddoomiye ahaan uusan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab joojin doonin ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post