558 Views

Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay waxkaqabashada abaaraha kajiraha Dalka.

Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay waxkaqabashada abaaraha kajiraha Dalka.
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 13, 2022

Ergeyga DFS u qaabilsan gurmadka abaaraha iyo arrimaha bini’aadminimoda Cabdiraxman Cabdishakur warsame yaa kulan la qaatay Danjiraha HIndia u fadhiya dalalka soomaaliya iyo Kenya Dr Virander Paul.

Ergayga iyo Danjiraha ayaa qaatay wadahadal qoto dheer oo ku aadan xiriirka soo jireenka ah ee dowladaha Soomaliya iyo India iyo sidii mar labaad ay Hindiya xiriir maalgashi ula sameyn lahayd Somalia. Ergayga oo si gaar ah diiradda u saaraayay arrimaha abaaraha ayaa xusay kaalinta cunna yarida adduunka ka jjirta iyo sicir bararku ku leeyihiin abaaraha, isaga oo arrinkaas ka duulayana waxa uu kala hadley Danjiraha in dowladda Hindiya ku kaalmeyso Soomaaliya dhimista qiimaha raashinka Soomaaliya kasoo dhoofsato Hindiya gaar ahaan bariiska iyo sokorta.

Safiirka ayaa soo dhoweeyay kana balanqaaday Ergayga in India ay mar walba garab istaagi doonto Somalia ayna ku dedaali doonaan sii xoojinta xiriirki walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post