1134 Views

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Golaha wadatashiga

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Golaha wadatashiga
____________________________________________________________________________

Shirka Gollaha wadatashiga qaran ayaa maalintii afaraad ka socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdosho, kaas oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha xikgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayna goobjoog ka yihiin,  madaxweynayaasha 5-ta dowlad Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda ayaa Maanta shirka uga arinsanaya arimaha la xiriira amniga dalka oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble doonayo in lagu wareejiyo arrintaasi oo ay aad uga soo horjeedaan Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug & Hir-Shabeelle iyo caqabadaha heysta doorashooyinka dalka.

Sido kale Madaxda ayaa falaqaynaya talooyinkii ay soo jeediyeen Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Safiirada Beesha Caalamka ee ku sabsanaa Hufnaanta iyo Dardargelinta Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirka Golaha wadatashiga oo dhaafay mudadii loogu talo galay in lagu soo geba-gabeeyo ayaa qoodbka ugu adag oo Madaxda isku mari la’yihiin uu yahay kana Amniga oo Ra’iisul Wasaaruhu dalbanaya in lagu wareejiyo si doorashada ay u sii socoto.

Golaha wadatashiga doorashooyinka ayaa laga sugayaa inay shirkooda kasoo saaraan go’aano la xiriira arrimaha doorashooyinka, sida hufnaanta doorashada iyo in waqti cayiman doorashada Golaha Shacabka lagu soo geba-gabeeyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post