1083 Views

Putin “Xilligan ma jirto cid kale oo dunida ku heysata hubka noocan ah

Putin “Xilligan ma jirto cid kale oo dunida ku heysata hubka noocan ah
____________________________________________________________________________

Talaado: August 24, 2021

Dad badan hubkan marka ay arkaan waxay u maleynayaan in uu yahay waxyaabaha khiyaaliga ah ee filimada lagu sameeyo.

Laakiin daah furidda wajiga koowaad ee hubka casriga ah ee Ruushka oo lagu qabtay Magaalada Moscow ayaa lagu soo bandhigay “hubka noocaas ah oo shaqeynaya”, sida uu sheegay madaxweyne Vladimir Putin.

Khudbadda sanadlaha ah ee uu Putin ka jeediyo baarlamaanka ayuusan ku sharrixin oo kaliya xaaladda waddankaas uu ku jiro hadda iyo caqabadaha uu wajahayo, balse waxa uu sidoo kale ku soo bandhigay hub uu ku tilmaamay “mid aysan suuragal ahayn in la sameysto”.

Hubkan waxaa ka mid kantaallada riddada dheer iyo kuwa riddada gaaban.

Sida uu Putin sheegay, tallaabadan waxa ay jawaab u tahay guul darrada Mareykanka ee ku aaddan heshiiskii caalamiga ahaa ee ilaalinta gantaallada.

“Horay waxaan u heysannay hub cusub, qof dhag jalaq noo siisay ma jirin. Hadda na dhageysta!” ayuu yiri.

Waxa uu Putin daaha ka rogay lix nooc oo hub ah kaliya balse waxa uu sheegay in liiska uu aad u dheeraa.

“Xilligan la joogo ma jirto cid kale oo adduunka ku heysata hubka noocan oo kale ah. Arrintaasna waa mid aad u wanaagsan,” ayuu ku yiri khudbaddiisa oo caalamka soo xasuusisay Dagaalkii Qaboobaa.

Dowladda Mareykanka, oo dhawaan ku dhawaaqday siyaasaddeeda cusub ee hubka nuclear-ka, ayaa sheegtay in hadalka Putin uusan ku ahayn lama filaan.

War kasoo baxay afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Huckabee Sanders, ayaa lagu sheegay in Mareyknaka uu kasii war qabay arrintan, uuna la socday in “Ruushka uu tobankii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayay soo saarista hubkaas, islamarkaana uu ku xad gudbayay heshiiskii uu waajibaadka ka saarnaa.”

Muxuu yahay hubkan, siduu u eg yahay, maxaase laga og yahay?

  1. Sarmat: gantaal nooca riddada dheer ah
  2.  

Hubkan waxaa sidoo kale loo yaqaannaa Santan 2. Madaxweyne Putin ayaa sheegay in tijaabada gantaalladan la billaabo doono.

Sida uu soo tabiyay Wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Richard Galpin, gantaalka Sarmat uu yahay mid lagu baddalayo gantaalkii ay isticmaali jireen midowgii Soviet ee la oran jiray Voyevoda. Hase yeeshee awooddiisa waxay aad uga sarreysaa gantaalkii hore.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in “gantaalkan uu yahay mid masaafihiisa uusan xaddineyn” uuna gaari karo “meel walba oo ka mid ah waqooyiga iyo koonfurta”.

“Ma jiro gantaal lagu joojin karo midkan, wali lama sameynin, mustaqbalkana lama sameyn doono,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

2. “Nuclear aan xad lahayn”

 

Madaxweyne Putin waxa uu sheegay in hubkan uu la mid yahay kan Mareykanka ee loo yaqaanno Kh-101 ama Tomahawk, balse uu leeyahay “awoodda nuclear-ka” oo yar.

Sida uu xusay Putin, hubkan waa mid istiraatiiji ah oo cusub, walina magac rasmi ah looma yeelin.

Waxa uu Mr Putin shaaca ka qaaday in gantaalkaas uu safri karo masaafe toban jibaar ka badan kii horay loo ogaa.

Taliye horay uga tirsanaa militariga Ruushka ayaa laga soo xigtay in markii ugu dambeysay ee ay xukuumadda Moscow tijaabisay hubka noocan ah ay ahayd sanadkii 2017-kii.

3. Awood hub oo ku diyaarsan badda

Hubka uu Putin soo bandhigay waxaa ka mid ah mid lagu isticmaali karo badda dusheeda iyo hoosteeda.

“Waxaan idiin sheegi karaa in hubkan lagu sameeyay Ruushka, waxa uu gaari karaa meel walba oo ka mid ah biyaha hoostooda, xowli dheereeyana wuu ku socon karaa,” ayuu yiri.

Hubkan laftiisa wax shanqar ah ma sameynayo marka la adeegsanayo, sida uu sheegay madaxweyne Putin.

3.     Kinzhal: (“Dagger”)

4.      

Kinzhal waa hub uu heysto Ruushka oo kaliya, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaas. Waa hub ka dheereyn kara dhammaan gantaallada difaaca.

Waxa uu Vladimir Putin khudbaddiisa ku sheegay in gantaalladaas ay tijaabadooda ka socotay garoomada diyaaradaha ee ciidamada cirka tan iyo bishii December.

Waxay cajiib ku yihiin gantaalladaas in ay gaari karaan masaafe dhan 2,000 oo kiiloo mitir, iyagoo aad u dheereynaya.

5. Avangard:

 

Waa nooc hub cusub ah oo ay wali tijaabo ku socoto.

Waxa uu hubka kale uga duwan yahay inuu saacaddiiba jari karo 24,696 kiiloo mit

Xogta ku saabsan hubkan waxay sheegeysaa in loo leexin karo jiho kasta, taasoo adkeyneysa in gantaallada difaaca ay qabtaan, sida uu qeexay Putin.

Madaxweynaha Ruushka wali wax caddeyn ah uma uusan keenin hubka uu sharraxayay awooddiisa.

“Way iska caddahay in aannaan halkan idinku tusi karin awoodda uu leeyahay hubkan, waa hub wanaagsan, waxaan idiin xaqiijin karaa in ay wax walba sax yihiin, wayna shaqeynayaan,” ayuu kusoo gaabsaday.

Warshadaha hubka ee Ruushka ayuu sheegay inay hadda billaabeen sameynta hubka ku dhisan awoodda nuclear-ka.

6. Hubka Laser-ka

Putin waxa uu khudbaddiisa baarlamanaka Ruushka ku sheegay in waddankiisa uu tallaabo dheeraad ah u qaaday horumarinta hubka ku shaqeeya hannaanka loo yaqaanno “laser”.

“Arrintan hadda way kasoo gudubtay marxaladdii qorsheynta kaliya ku ekeyd, xitaa sameyntooda ma aha billow. Hubkan waa lasoo saarayay tan iyo sanadkii lasoo dhaafay,” ayuu yiri.

Wax faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixinin caddeymaha la xiriira jiritaanka hubkaas, mana uusan sheegin magaciisa, isagoo hadalka ku kooban oo kaliya “inaan wali la gaarin waqtgaas.”

Ilo madax bannaan wali ma aysan xaqiijinin in hubka noocan ah uu jiro iyo inuu shaqeynayo toona.

Waxaase la rumeysan yahay in sheegashada Ruushka ee ku aaddan hubkaas ay sii xoojineysa diyaar garowga dhinaca gantaallada difaaca iyo kordhinta awooddooda

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post