870 Views

Midowga Yurub oo go’aan ka gaarayo shidaalka laga soo dhoofiyo Ruushka

Midowga Yurub oo go’aan ka gaarayo shidaalka laga soo dhoofiyo Ruushka
____________________________________________________________________________

Arbaco: May 4, 2022

Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa soo jeedisay in gebi ahaanba la mamnuuco shidaalka laga soo dhoofiyo Ruushka, tan oo qeyb ka ah tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee cunaqabateynta ka dhanka ah xukuumadda Moscow.

Waxay baarlamaanka Yurub u sheegtay in shidaalka ceyriinka ah iyo kan la sifeeyay ee Ruushka meesha laga saari doono meeshii lagu gaaro dhammaadka sanadkan.

Shiinaha ayaa ah macmiilka ugu weyn ee Ruushka – Balse waxa ay taasi ka dhigan tahay kaliya shan meelood meel marka la eego shidaalka laga dhoofiyo Ruushka.

Waxaa jira warbixino sheegaya inay jiraan ganacsato ka timid Hindiya iyo Shiinaha oo jabiyay saliidda Ruushka ee la dhimay – laakiin xitaa taasi ma xiri doonto hoos u dhaca iibka.

Dhanka kale, bas siday dad rakaab ah ayaa ku dhacay gaari kuwa shidaalka qaada ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan toddoba iyo toban qof.

Madaxweyne Zelensky ayaa shilka ka dhacay gobolka Rivne ku tilmaamay “shil musiibo ah”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post