1257 Views

Ciidamo Booliis Ah Oo Tababar Loogu Soo Xirayo Magaalada Jowhar

Ciidamo Booliis Ah Oo Tababar Loogu Soo Xirayo Magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 14, 2019 –Waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ka socota munaasabad tababar loogu soo xirayo ciidamo cusub oo ka mid noqonaya kuwa booliska Soomaaliya kuwaas oo dhowr bil tababar ku qaadanayay xarumo ku yaal magaalada Jowhar.

Munaasabadda tababarka loogu soo xirayo ciidankaan waxaa goob joog ka ah wasiirka amniga xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar islow saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle oo iyagu deegaanadooda lagu diyaariyay ciidankaa.

Ciidankaan ayaa la sheegay in ay kor u dhaafayaan 500-askar boolis ah waxaana ay ka qeyb qadan doonaan sugidda amaanka magaalada Jowhar iyo deegaanada kale eek u dhadhow sida masuuliyiin ka tirsan dowladda ay u sheegeen warbaahita.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment