852 Views

Maxkamad Racfaanka Nugaal oo maanta dhagaysanaysa kiiska Caa’isho Ilyaas

Maxkamad Racfaanka Nugaal oo maanta dhagaysanaysa kiiska Caa’isho Ilyaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 22, 2019 –Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Nugaal ayaa maanta dhagaysanaysa racfaaan ay ka qaateen rag loo haysto inay ka dambeeyeen kiiska Caa’isho Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh 12 jir ah oo lagu kufsaday laguna dilay magaalada Gaalkacyo.

Qareenada Saddex eedaysane oo maxkamadda darajada koowaad ay horay xukun dil ah ugu ridday ayaa racfaan ka qaatay xukunkaas.

Lama oga in maxkamadda racfaanku ay burin doonto xukunkii maxkamadda darajada koowaad iyo in ay ku raaci doonto.

Si kastaba ha ahaatee kiiskan ayaa ugu dambayn waxaa go’aan ka gaari doonta maxkamadda sare ee Pundtland, kaddib marka kiiskani uu ka gudbo maxkamadda racfaanka.

Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridday raggii ku eedaysnaa kiiskii Caasho Ilyaas Aadan oo sanadkaan horraantiisii kufsi iyo dil loogu geeystay magaalada Gaalkacyo.

Ragga la xukumay oo labo ka mid ah ay walaalo yihiin ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment