888 Views

Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadashay warar Maanta la faafiyey

Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadashay warar Maanta la faafiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco  , March 18, 2020 —Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayey warar sheegaya in qof qaba Cudurka Coronavirus uu tegay Isbitaalka Erdugan Ex Digfeer ayaa waxaa Warkaasi beenisey Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin,isla markaana ay faafiyeen dad leh dano gaar ah oo ka faa’iideysanaya duruufaha jira.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin cid saaka baaritaan Caafimaad lagu sameeyey ee laga helay Cudurkaas,balse dadka faafiyey ay yihiin kuwo dadka ku abuuraya walwal kuan wada laab kciin.

 

Sidoo kale Wasiir kuxigeenka ayaa Shacbaka Soomaaliyeed waxaa uu ugu baaqay inay qaataan tallooyinka Caafimaad ay Wasaaradda u soo jeedisay,isla markaana ay isticmaalaan waxyaabaha muhiika ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment